Advertisements
Wararka

Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo hakad geliyey wada shaqeynta Dowlada…


Shirkii Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo afartii cisho ee la soo dhaafay ka socday magaalada Kismaayo ayaa goor dhow la soo gabagabeeyay.

War murtiyeed Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ka soo saareen ayay ug hadleen dhinacyada amniga, siyaasadda, arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka.

Maamul goboleedyada ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay faragelin ku heyso, isla markaana Dhaqaalaha amniga loogu tala galay u adeegsaneyso burburinta maamulada.

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa sheegay inay hakad geliyeen wada shaqeynta kala dhaheysay dowladda Federaalka inta ay ka hirgelineyso heshiisyadii ay horay u wada gaareen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5432 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: