Advertisements
Wararka

M/weynaha Ruushka oo ku gacan seyray xabad joojin Turkigu codsaday magaalada Idlib…


Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku gacan seyray xabad joojinta uu Turkiga codsaday si looga hortago in uu dhiig ku daato waqooyiga Suuriya.

Shirka seddex geesodka ahaa ee maanta dhacay ayuu Mr Putin ka sheegay in Ruushka uu sii wadi doono dagaalka uu kula argagixisada ku sugan gobolka Idlib.

Idlib ayaa ah goobta kaliya ee ku soo hartaya gacanta kooxaha mucaaradka, waxana ku nool dad gaaraya ku dhowaad Seddex milyan oo qof.

Ciidamada milatariga Suuriya oo ay taageeraan Ruushka iyo Iiraan ayaa isu diyaarinaya in goordhow ay dagaal xooggan ku qaadaan gobolkaasi.

Shirkaan seddex geesoodka ah ee ka dhacay magaalada Tehran ayaa loo arkayay in uu yahay fursaddii ugu dambeeysay ee lagu joojin lahaa dagaal ka dhaco gobolka Idlib.

Suuriya ayaa la daalaa-dhacaysay dagaal sokeeye tan iyo sandkii 2011-kii,kadib markii ay biloowdeen mucaarad iyo dibadbaxyo oo aan khalalaase wadan oo looga soo horjeeday madaxweyne Bashar al-Assad, kuwaasi oo markii dambe isku bedelay dagaal ay ku dhinteen in kabadan 350-kun oo qof.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4813 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: