Advertisements
Wararka

Maal qabeenka Shiineeska Jack Ma oo ka fadhiisanaya hogaaminta shirkada Alibaba…


Maal qabeenka Shiineeska Jack Ma, oo ka mid ah ragga ugu taajirsan dalka Shiinaha, ayaa qorshaynaya in uu ka dego madaxtinimada awoodda ganacsiga elektaroonigga ee (Alibaba), sida laga soo xigtay The New York Times.

Jack Ma wuxuu sii ahaan doonaa xubin ka mid ah guddiga maamulka ee shirkadda, laakiin wuxuu diiradda saari doonaa howlaha samafalka ee maalgelinta waxbarashada, ayuu yiri wargayska.

Jack Ma wuxuu aasaasay Alibaba sanadii 1999 waxayna noqotay mid ka mid ah shirkadaha ugu weyn dhinaca internetka ee dunida.

Shirkadda waxaa lagu qiimeeyaa hantideeda in ka badan $ 400 bilyan, waxay shirkadu bixisaa iibka internetka, soo saarka filimada iyo hannaanka xisaabta cloud.

Wareysi ay la yeelatay The Times, Jack Ma oo ahaa macallin hore oo afka Ingiriiska dhigga, ayaa sheegay in howlgabkiisa “uusan noqon doonin dhammaadka marxaladda, laakiin uu noqonayo bilawga wajiga cusub.” Waxa uu yiri, “Waan jeclahay waxbarashada.”

Jack Ma oo 54 jir ah ayaa heysta hanti gaareysa $ 40 bilyan – taasoo ka dhigaysa qofka seddaxaad ee ugu taajirsan dalka Shiinaha, sida lagu qoray liiska Forbes ee dadka ugu taajirsan China ee 2017.

Horaantii Isbuucaan, Jack Ma wuxuu u sheegay Bloomberg in uu doonayo inuu abuuro hay’ad gaar ah, asaga oo raacaya wadadii iyo qaabkii maalqabeenka Bill Gates milkiilayha shirkada Microsoft.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4797 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: