Advertisements
Wararka

Booliska Kenya oo xiray labo qof oo lagu tuhunsan yahay inay xubinta taranka ka jareen nin…


Booliska Kenya ayaa xiray laba ruux oo lagu tuhmay in deegaanka Kinoo ee ismaamulka Kiambu ay ku afduubteen nin, kaasi oo wajiga ay kaga shubeen aashito deetana ay xubinta taranka ka Jareen.

Mid ka mid ah la tuhmaha ayaa lagu magacaabaa Ms Eva Wangari Wachuka ayaa magaceeda badashay kadib markii wareysi shaqo ay u aaday Hotelka Tandoori ee ku yaal magaalada Diani, ee ismaamulka Kwale.

La tuhmaha kale oo magaciisa lagu sheegay Mr Joshua Ngugi ayaa lagu xiray magaalada Nairobi ee caasiamada Kenya,iyadoo wali aan gacanta lagu heyn la tuhunsane sadexaad oo arintaan ku lug lahaa.

Eedeysanayaashaan ayaa la filayaa in ay ka soo hormuuqdaan maxkamada magaalada Nairobi maalinta isniinta ah ee soo socota.

Baaritaano hordhac ah oo ay sameyeen ciidamada ayaa lagu sheegay in ninkaan ay saaxiibo ahaayeen Ms Wachuka.

Ninkaan ayaa la sheegay in gabadhan ay siisay waxyaabaha maanka dooriya kadibna ay u kaxeysay gurigeeda xilli saacadu ay aheyd 2 habeenimo,kadibna halkaasi iyada iyo labada la tuhme ay dhibaato ugu geysteen.

Dhibanaha ayaa markii laga Jaray xubintiisa taranka waxaa lagu tuuray musqul iyadoo hada lagu dabiibayo isbitaalka Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Booliska Nairobi ayaa sheegay in falkaan uu dhacay 28-dii bishii la soo dhaafay ee August.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5415 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: