Advertisements
Wararka

M/weyne ku xigeenka Puntland oo ka soo horjeestay go’aankii madaxda dowlad goboleedyada…


Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa qaadacay go’aankii Madaxda dowlad goboleedyada ka soo saareen magaalada Kismaayo, kaasoo ay ku hakiyeen wada shaqeyntii kala dhaxeysay dowladda Federaalka.

C/xakiin Camey oo caawa wareysi siiyay Idaacada Kulmiye ee fadhigeeda yahay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in go’aanka Kismaayo aan lagala tashan, isla markaana aanu ku raacsaneyn.

“Kuma raacsani go’aanka Kismaayo, mana la igala tashan, dowlad hal qof ma ahan, waa saddex hey’adood is ilaaliya oo wada shaqeeya, go’aanada masiiriga ah waxay u taallaa Golaha Xukuumadda ayaa go’aan ka gaaraya, waa adag tahay in qof uu go’aan qaato, sharcigana ma waafaqsana”ayuu yiri C/xakiin Camey.

Mr Camey ayaa sheegay in eedeymaha qaar ee Maamul goboleedyada u soo jeediyeen dowladda Federaalka uu yahay mas’uuliyad laga rabo maamul goboleedyada inay iyaga fuliyaan.

“Qodobka Amniga oo kale eedeymo Madaxda maamulada leeyihiin bey dowladda Federaalka rabaan inay saaraan oo ay ku camcamiyaan, maamul goboleed asiga ka mas’uul ah amniga deegaanada uu ka mas’uulka yahay, ma ahan in dowladda Federaalka ay dusha ka saaraan”ayuu yiri C/xakiin Camey oo qiray inay jiraan waxyaabo ay gabeen Maamul goboleedyada.

Waxaa uu soo jeediyay in la wada fariista oo miiska wada hadalka la isku yimaado, iyadoo aan saxaafada la isku marin eedeymo sida uu yiri.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin Camey ayaa xiriir dhow la leh dowladda Federaalka, iyadoo dhowr jeer booqasho iskiis ah ku yimid magaalada Muqdisho, inkastoo isaga iyo Madaxweyne C/weli Gaas ay meelo qaar ku kala aragti duwan yihiin, hadana waxaa loo arkaa nin aad uga dhow dowladda Federaalka marka loo eego C/weli Gaas.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5415 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: