Advertisements
Wararka

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu weeraray xarunta degmada Hodan…


Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala beegsaday xarunta degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa gil-gilay magaalada oo dhan, waxaana cirka isku shareeray qiiq iyo uuro.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Hodan ayaa sheegaya in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu waday qof naftii halige ah uu beegsaday afaafka hore ee xarunta degmada.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa uu burburiyay xarunta degmada Hodan iyo dhismayaasha ku dhow dhow.

Sawiro laga soo qaaday ayaa muujinayay burbur xooggan oo soo gaaray xarunta degmada iyo guryo ku dhow dhow.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay qaraxa degmada Hodan, inkastoo ay xilli hore tahay.

Waa weerarkii labaad oo lagu qaado xarun degmo muddo gaaban gudaheeda, todobaadkii hore ayay aheyd markii sidan oo kale gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray xarunta degmada Howlwadaag.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5415 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: