Advertisements
Wararka

Golaha Aqalka sare ee Somalia oo ka soo horjeestay ka qeyb galka munaasabada furitaanka…


Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay ka qeybgalka munaasabada furitaanka Kalfadhiggii Afaraad ee Golaha Shacabka oo xiligan-ka socda xarunta Jen Kaajiye ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Senator-ada Aqalka Sare ayaa inoo sheegay in kalfadhigooda aanu maanta furmi doonin, isla markaana maalinta berri uu furmi doono.

Labadii Kalfadhi ee u dambeeyay ayaa si wadajir ah loo furay Kalfadhiyada Baarlamaanka Labada Aqal.

Xoghayaha baarlamaanka Cabdikariin Xaaji Buux ayaa warbaahinta u sheegay in furitaanka Kalfdhigga Afaraad ee golaha Shacabka u baaqan doonin ka qeybgalid la’aanta golaha Aqalka sare.

Waxaa muuqanaya in uusan wanaagsaneyn xiriirka ka dhaxeeya labada aqal, taasoo muujineysa in Aqalka sare qorsheynayo munaasabad u gaar ah.

Aqalka Sare oo ka kooban 54 Senator ayaa marka loo eego saameynta dhanka siyaasadda waxaa kaga xooggan Golaha Shacabka oo inta badan u idman howlaha la xisaabtanka hey’adaha dowladda, gaar ahaan Xukuumadda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5415 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: