Advertisements
Wararka

Novak Djokovic oo ku guuleystay tartanka Tenniska US Open ee Ragga…


Finalka US Open ee Tenniska ragga ayaa waxaa isku arkay Novak Djokovic oo Serbia u dhashay iyo Juan Martin del Potro oo u dhashay Argentina maalintii Axada.

Djokovic oo 31 jir ah ayaa ku guuleystay koobka Grand Slam-kii 14aad, wuxuu barbareeyey Pete Sampras, wuxuuna ku badiyey 6-3, 7-6, 6-3 iyada oo lagu ciyaarayey garoonka Arthur Ashe Stadium oo New York ku yaallo. Djokovic ayaa sanadkii hore ka qeyb gelin Tennis-ka US Open asaga oo dhaawac ka qabay xusulka oo u baahnaa qaliin.

Waxaa hogaaminaya heysashada koobabka ugu badan ee Tenniska Ragga Roger Federer oo 20 heysta iyo Rafael Nadal oo 17 koob heysta.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4813 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: