Advertisements
Wararka

Howlgal ay fuliyeen ciidamada dowlada iyo ciidamo ajnabi oo ka dhacay deegaanka Mubaarak…


Ciidamada dowladda oo garab militari ka helaya ciidamo kale oo ajnabi ah ayaa saqdii dhexe ee xalay 11kii bishan September, waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha hoose.

War lagu daaabacay bogga Twitter –ka ee hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgal ay fuliyeen ciidamada Amniga in lagu dilay xubin ka tirsan Al-shabaab kadib is rasaaseyn dhaxmartay labada dhinac.

WarNisa.png

Wariye ku sugan deegaanka Mubaarak ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in xaalad deegaanka ay hadda degan tahay kaddib weerarkii xalay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira weerarkan la sheegay in ciidamada amniga ka fuliyeen deegaanka Mubaarak.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4813 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: