Advertisements
Wararka

M/weynaha Ismaamulka Somalida oo ku soo dhoweeyey garoonka Bole M/weynaha Somalia…


Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Mustafa Maxamed Cumar (Cagjar) ayaa maanta ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Bole ee magaalada Addis Ababa Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Soo dhoweyntan oo aheyd mid heerkeedu sareysay ayaa waxaa ka qeyb qaatay Guddoomiyaha Xisbiga Dimoqraadiga Shacabka Soomaalida iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Somali State Mustafa Cagjar ayaa ka wada hadlay arrimaha ammaanka, horumarada iyo dadaalada nabadda ee ka socda Geeska Afrika.

Sidoo kale waxaa laga wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa dadaalada nabadda iyo is bedelka ka socda Deegaanka Soomaalida.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u tagay Addis Ababa ka qeyb galka shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo lagu wado in looga hadlo arrimo ay ka mid yihiin is bedelka Geeska afrika iyo dib uga mid noqoshada ururka ee dowladda Eritrea.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4813 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: