Advertisements
Wararka

M/weynihii hore Xasan sheekh oo la kulmay odayaal, xildhibaanno, wasiiro beeshiisa…


Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qado ugu sameeyay hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, Wasiiro, Odayaasha iyo Waxgaradka Beeshiisa.

Kulankan ayaa ah mid kala warqaadasho looga hadlayo xaalada dalka, waxaana xubnaha goobjooga ah ka mid ah Wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow Ducaale, Wasiir Kuxigeenka Dekadaha Cusmaan Daallo, Xildhibaano iyo Senatarada Beesha Mudullood ku matala Baarlamaanka Labada Aqal.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in xaaladaha looga hadlayo ay ka mid tahay siyaasadda dalka iyo deegaanada Beesha degto oo inta badan gacanta ugu jirto Al-Shabaab iyo dhibaatooyinka ka jira.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii uu dhamaadkii bishii hore dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo qaabilaad u badnaa kala warqaadasho la qabsanayay siyaasiyiinta, odayaasha, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xasan Sheekh ayaa qorshaha uu u yimid magaalada Muqdisho ahaa sidii uu u dhisi lahaa Xisbi ballaaran oo ay ka dhex muuqdaan Xildhibaanada saaxibadiisa ee ku jira labada gole.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4797 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: