Advertisements
Wararka

Shirka gaariga waa laba, shirqoolkana waa mid…


Shacabkeygow shanti Soomaali weyn shanshada markey ka jebiyeen, deris ku sheega xabashida shalow dheer iyo shishaan ka tureen, shalay ma ahayn iyo doraad shacabkeygow garo.

Shirar badan iyo sheeko dheer shirqool lagu soo abaabulay shisheeye ka dambeeyey, sharci laga soo saaray baa lagu shaaciyey in sharafta laga qaado soomaali shacab aan dowlad laheyn lagu sheego.

Shubaakada iyo albaabada dunida shiil madow laga saaro shabaq loo dhigto, shanba maalin la jilaabto, sheydaan iyo tuug qaatul ah, shenteraale xabsiga sanado badan ku raagay, sheikh lagu sheegay magacii sharafta lahaa (SYL) shabaab loo bixiyey waa sheeko ujeedo leh shacabkeygow garo.

Shantaan gobol ku sheega iyo sheydaamada laayey shacabka waa shaqaale meel u wada shaqeeya, ismana sheegtaan midba gaarbaa loola shiraa waa shirqool taxane ah shacabkeygow garo.

Sharciga iyo dastuur maxaa loo shakalay oo shaaca looga qaadi waayey oo shub looga yahay, waa shirqoolada taxanaha ah iyo shaxday ka mid tahay, shacabkeygow garo.

Eng. Jiraabay

Advertisements
About Admin (5415 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: