Advertisements
Wararka

Xildhibaanada Hirshabeelle oo u yeeray Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare…


Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa u yeeray Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, iyadoo uu soo baxayo warar sheegaya inuu socdo olole mooshin looga keenayo.

Cali Cismaan Ibraahim oo ka mid ah Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ugu yeereen magaalada Jowhar, inuu hor-yimaado Baarlamaanka, si su’aalo loo weydiiyo.

Waxaa uu sheegay in wax laga weydiin doono xaalada amni ee deegaanada Hirshabeelle iyo sababta keentay inuu wax ka qaban waayay balan-qaadyadii uu sameeyay intii uu Musharaxa ahaa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxweyne Waare ay la xisaabtami doonaan, isagoo lagu dhaliilay in markii uu xilka qabtay dib u dhac fara badan uu soo wajahay Hirshabeelle mudadii sanadka aheyd ee uu xilka haayo.

Waxaa uu sidoo kale dhaliil loogu soo jeediyay inuu qeyb ka yahay go’aankii Maamul goboleedyada ee ay u hakiyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka, isla markaana aysan la dhacsaneyn go’aankaas, cod dheerna ku diidayaan.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle oo ka qeyb galay shirka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ee lagu soo gabagabeeyay Kismaayo ayaa wajahaya culeysyo siyaasadeed, iyagoo aan culeysyadaas la qabin Madaxda maamulada kale ee ka qeyb galay shirkaas.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4797 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: