Advertisements
Wararka

Xoghayaha guud ee QM oo si rasmi ah ugu magacaabay Nicholas Haysom ergeyga gaarka…


Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guturres ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Nicholas Haysom in uu noqdo ergeyga gaar ah ee QM u qaabisan Soomaliya isaga oo badali doono ergeygii hore Michael Keating .

Ergeygan cusub Nicholas Haysom ayaa u dhashay dalka Koonfur Africa waxaa la sheegay in uu yahay nin Qareen ah oo ku taqasusay arrimaha dowlad wanaagga, Dastuurka, dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha nabada, waana tan keentay ayaa la leeyahay in loo soo xusho in uu noqdo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Laakiin magacaabistiisan ayaa imaneysa xili siyaasada Soomaaliya aysan deganeyn oo jiro khilaaf weyn oo ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulada qeybta ka ah dowladda federaalka Soomaaliya oo dhawaan shir ay ku yeesheen Kismaayo kaga dhawaaqay in ay xiriirka u jareen dowladda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5415 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: