Advertisements
Wararka

Bankiga adduunka oo warbixin ku sheegay in dhaqaalaha Somalia uu kobcay…


Bankiga adduunka oo dabaacay warbixintiisii saddexaad ee la xiriirta dhaqaalaha Soomaaliya ayaa sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sanadkan kordhi doono Saddex ilaa Afar boqolkiiba.

Warbixintan ayaa timid iyada oo sanadkii hore Soomaaliya ay ku habsatay abaar si weyn waxyeelo ugu geysatay xoolaha nool, gaar ahaan dhulka reer miyiga, waxaana bankiga adduunka uu sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sanadkii hore kordhay 2.3%, halka midkii kaas ka horeeyay 2016-kii uu dhaqaalaha ahaa 4.4%.

Bankiga adduunka ayaa sheegay arrintaasi ay muujineyso sida ay abaartu u keentay dib u dhac dhinaca dhaqaalaha ah, waxaana dhaqaalaha Soomaaliya uu taariikh ahaan ku tiirsana dhoofka xoolaha.

Wakiilka bankiga adduunka ee Soomaaliya ayaa yiri “Waa warbixin aan dooneyno inay soo baxdo Lixdii bilood ee kasta, warbixin kasta waxa ay leedahay mowduuc hoos loogu eego, warbixintan waxay si gaar ah u eegeysaa lacagaha la isku weydaarsado telefoonada, fariinta dhaqalaha ee warbixintan ay dirreyso ayaa waxa ay tahay abaartii sanadkii hore dhacday in ay hoos u dhac ku keentay dhaqaalaha”.

Warbixinta bankiga adduunka ayaa waxa ay si weyn u ammaantay kobaca iyo doorka dhaqaalaha ee hananka lacagaha la isugu weydaarsado telefoonada hadii ay ahaan laheyd xawilaadaha iyo wax kala iibsigaba.

Waxaa bankiga adduunka uu sheegay in bishii 155 Million is weydaarsi lacageed ama wax kala iibsasho la isugu gudbiyo telefoonada, taasi oo ku fadhida aduun dhan 2.7 Bilyan oo dollar bishii, wuxuu kaloo bankigu tilmaamay in lacagaha telefoonada ay ka xoog bateen lacagaha waraaqda ah ama cadaanka ah ee ka jira Soomaaliya.

“Caqabado badan ayaa ka jira Soomaliya oo dhanka amniga iyo siyasadda la xiriira, waxa keliya ee si wanaagsan u shaqeeya waa dhaqaalaha ku saleysan shirkadaha gaarka ah, ganacsiga gaarka loo leeyahay wuxuu wax weyn ka qabtay dhaqaalaha Soomaaliya, kala wareejinta lacagaha ee dhinaca telefoonada Soomaaliya waa mid ka mid ah talaabooyinka ugu horumarsan dunida, waxayna taasi fursad u tahay kobaca dhaqaalaha”. ayuu mar kale yiri wakiilka bankiga adduunka ee Soomaaliya.

Warbixinta oo laga sii daayay Idaacada VOA ayuu sidoo kale Bankiga adduunka wuxuu sheegay wax-yaabaha nugeylka u keenaya in ay ka mid yihiin cilad ka imaaneysa in qofka wax iibsanaya aanu jirin hab difaacaya hadii uu muran dhaco ama in kan wax diraya uusan aqoon dadka uu wax u dirayo iyo in bankiga Soomaaliya uusan wax la socod ah ku laheyn hanaankan, waxaana bankiga uu soo jeediyay intaasi ay u baahan tahay sharci dejin.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4797 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: