Advertisements
Wararka

Amiirka Qatar oo u hadiyeeyey diyaarad kuwa raaxada ah M/weynaha Turkiga…


Amiirka Qatar Tamim Bin Hamad Al-Thani ayaa u hadiyeeyey diyaarad kuwa raaxada oo ah Boeing 747-8 Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, sida ay sheegayaan wararka warbaahinta.

Qiimaha diyaarada ayaa lagu tilmaamay $ 400 million oo magaceeda ah “qasrigii duulayey”.

Qatar ayaa waxay ku taageertay dhaqaalaha Turkiga $ 15 bilyan.

Diyaaradan ayaa ku biiri doonta diyaaradaha dowlada Turkiga oo gaaraya 11 diyaaradood.

Xukuumadda Turkiga kama aysan hadlin, laakiin warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in diyaaraddu ay ahayd “hadiyad”.

Diyaarada hadiyada.jpg

Tilmaamaha diyaarada
Diyaaradu waxay sida caadiga ah qaadaa 400 rakaab ah, laakiin waxaa laga wada saaray kuraastii oo loogu talagalay in ay qaado 76 rakaab ah.

Waxay leedahay 7 qol jiif, qol hurdo oo martida, qolka daaweynta iyo aagga shaqaalaha.

Waxaa kaloo jira hoolka soo dhaweynta iyo hool kale oo qaada 14 rakaab iyo qolka shirarka oo leh miiska cashada oo dhererkiisu yahay 6.2 mitir.

Dabaqa sare ayaa leh hool soo dhoweyn iyo halka laga wada diyaarada iyo goob shaqaale.

Diyaarada ayaa ka buuxa sawiro gacmeedyo oo xiiso badan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5173 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: