Advertisements
Wararka

Tunisia oo xaraasheysa gawaari noocyada raaxada ah oo uu lahaa M/weynihii hore…


Tunisia ayaa Ku dhawaaqday dalab caalami ah oo lagu iibinayo 11 gaari oo kuwa raaxada ah oo uu lahaa Madaxweynihii hore ee Tunisia Zine El Abidine Ben Ali.

Sida laga soo xigtay shirkadda, “Cruise Tours” oo wakiil uga ah dowladda Tunisia iyo Guddiga la wareega hantida in ay suuq geyso isla markaana iibiso. dadka xiiseynaya in ay iibsadaan ayaa la weydiistay in ay soo gudbiyaan codsiyadooda ilaa bisha October 2da.

Sida ay sheegayaan wararka saxaafadda, baabuurta ayaa loo soo bandhigi doonaa shirkadaha baabuurta iyo guud ahaan dadweynaha daneynaya mudada u dhaxeysa 17 ilaa 30ka September 2018.

Keydka guddiga iibka qaranka ayaa gacantooda ku jira 57 gaari oo kala ah noocyada gawaarida “Mercedes” iyo “BMW” iyo “Rolls-Royce” iyo “Porsche” iyo “Ferrari”, marka lagu daro baabuur ” Almaabach ” oo khaas u ahaa madaxweynaha xilka laga tuuray.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4813 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: