Advertisements
Wararka

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo sheegay in ay xilka ka qaadeen…


Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo galabta ku shiray magaalada Cadaado ayaa sheegay inay xilka ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf.

Guddoomiyihii Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo maalin ka hor ay Xildhibaano ku shiray Dhuusamareeb xilka ka qaadeen ayaa isna dhankiisa sheegay in xilka laga qaaday Madaxweyne Xaaf.

Cali Gacal ayaa sheegay in 47 xildhibaan ay u codeysay mooshin laga qaaday Axmed Ducaale Xaaf, sidaasna xilkii looga qaaday.

Marka loo eego ridada Xildhibaanada sheegay inay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf ayaa aad uga yar ridada Xildhibaanadii Khamiistii la soo dhaafay xilka ka qaaday Cali Gacal Casir, waxaase uu hadda xaalka u muuqdaa midi midi ku taag.

Maamulka Galmudug ayaa qarka u saaran inuu labo garab u kala jabo, isla markaana yeesho labo Madaxweyne iyo labo Guddoomiye baarlamaan oo fadhigooda yahay Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5173 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: