Advertisements
Wararka

Boqor Salman oo guddoonsiiyey biladdii ugu sareysay Boqortooyada Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki…


Boqorka Sucuudi Carabiya Salman Bin Cabdulcasiis ayaa biladdii ugu sareysay ee Boqortooyada guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Afwerki Salman iyo Abiy

Shirka Nabadda ee lagu saxiixayo heshiiska dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa ka socda magaalada Jeddah, iyadoo ay goobjoog ka yihiin Dhaxalsugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutterres iyo mas’uuliyiin kale.

Soo dhoweynta madaxda

Boqortooyada Sucuudiga ayaa door weyn ku laheyd heshiiska Itoobiya iyo Eritrea oo lagu soo afjaray colaadii labada dal u dhaxeysa muddo labaatan sano ah, isla markaana uu caadi ku soo laabtay xiriirkii labada dal.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5415 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: