Advertisements
Wararka

Orodyahanka reer Kenya Eliud Kipchoge oo jebiyey rikoorkii marathon-ka caalamiga…


Orodyahanka reer Kenya Eliud Kipchoge oo jebiyey rikoor caalami ah tartanka marathon-ka dunida, kadib markii uu ku dhameeyey labo saacadood iyo hal daqiiqo iyo 39 ilbiriqsi tartan ka dhacay meel u dhow caasimada Jarmalka ee Berlin.

Kipchoge oo 33 jir ah ayuu ka jebiyey rikoorkii horey u dhigay Dennis Kemeto oo ka soo jeeda isla Kenya, kaasi oo ku dhameeyey marathon ka dhacay Berlin sanadkii 2014 laba saacadood iyo labo daqiiqo iyo 57 Ilbiriqsi.

“Ereyo kuma soo koobi kari farxada maanta aan dareemayo kadib markii aan jebiyey rikoor caalami ah”. ayuu yiri xiddiga Kenya.

 

Cherono1.jpg

Dhinaca marathon-ka Haweenka waxaa ku guuleysatay Gladys Cherono oo Kenya ka soo jeeda, waxay ku soo afjartay laba saacadood iyo 18 daqiiqo iyo 11 ilbiriqsi.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4989 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: