Advertisements
Wararka

Waaxda socdaalka ee Kenya oo xirtay ajaaniib viso been abuur ugu safrayay dalka Cuman…


Waaxda socdaalka ee dalka Kenya ayaa 71 qof oo ajaaniib ah oo u dhashay dalalka Uganda, Burundi iyo Tanzania oo Viso been abuur ah ugu safrayay dalka Cuman ku xirtay magaalada Nairobi.

Agaasimaha waaxda socdaalka Kenya Alexander Muteshi ayaa sheegay in Ajaaniibtan ay Kenya ku soo galeen safar dhanka dhulka ah,balse ay ogaadeen in Vissahooda uu yahay been abuur la farsameeyay.

Dadkaan ayaa 59 ka mid ah waxay u dhasheen Uganda 7 ruux oo heesta dhalashada Burundi iyo 5 kale oo ka soo Jeeda Tanzania.

Dhanka kale dowlada Kenya ayaa sheegtay in dadkaan ay dib ugu celin doonto dalalkooda balse ay baarayaan cida u sameysay dal ku galkan been abuurka oo la aaminsan yahay in lagu hagaajiyay Nairobi.

Kenya ayaa waxay marin muhiim ah u tahay diyaarado badan oo isaga kala goosha caalamka,waana dalka ugu badan oo ay soo caga dhigtaan diyaaradaha ee dalalka dhaca bariga Afrika.

Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo Kenya uu ka socdo howlgal lagu qabqabanayo dadka ajnabiga ah ee sharci darada ku jooga dalkeeda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4813 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: