Advertisements
Wararka

Wax ka baro taariikhda Angela Merkel iyo Hillary Clinton oo ah haween guuleystay…


Angela Merkel .. Waxay baratay Quantum Chemistry oo gaartay R/wasaaraha Jarmalka:

Sannado badan, Chancellor-ka Jarmalka Angela Merkel ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha hoggaanka adduunka, iyo mid ka mid ah haweenka ugu horreeya ee ugu saameynta badan. Angela Merkel, ayaa xukunka jarmalka qabatay sanadkii 2005 bishii November ilaa hadda, waxayna ka mid tahay mid ka mid ah madaxda Jarmalka kuwa ugu caansan.

Waxaa laga yaaba in aad la yaabtid in Merkel aysan baranin Cilmiga siyaasada, Angela Merkel waxay aheyd caalim bartay Cilmiga Kiimikada Jirka jaamacada Leipzig, waxay qalin jebisay sanadkii 1978 dhibco aad u sareeya ayey ku gudubtay, waxaana laga dhigay lecturer jaamacada Injineeriyada ee Berlin, laakin wey diiday in ay shaqadaasi qabato.

Sababta diidmada oo ahayd mid cajiib ah, waagaasi waxaa Jarmalka bari aheyd wadan shuuci ah hadaba booliska ammaanka siyaasada ee Jarmalka Bari oo loo yaqaanay “Stasi” oo taabacsanaa siyaasada Midowga Soviet-ga ayaa weydiistay macallimada dhallinyarada ah in ay soo jaasuusto macallimiinta iyo ardada, kadib markii Merkel ay diiday in ay howshaasi qabato ayaa iyadana waxaa loo diiday in ay shaqadaasi ka shaqeyso.

Waxay 1986 qaadatay shahaadada Doctorate ee cilmiga Quantum Chemistry, waxay waday shaqadeeda academic tan iyo dhamaadkii sideetamaadkii, kadib waxay gashay howlaha siyaasada markii uu burburay derbigii Berlin oo la mideeyey labada Jarmal mar kale, waxay ku fadhiisatay kursiga hogaamiyaha mucaaradka, kadibna waxay noqotay Chancellor-ka Jarmalka 15 sano kadib.

Hillary Clinton1

Hillary Clinton .. Bilowgii waxay ka shaqeysay makhaayad lagu qallajiyo malaayga salmon-ka

Markii Hillary Clinton looga adkaaday dagaalkii doorashada ee madaxtinimada Mareykanka oo aheyd mushaaxa xisbiga Dimoqoraadiga Mareykanka, sidoo kale waxay tahay xaaska Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton, waxay aheyd u dhaqdhaqaaqe siyaasadeed waxay qabatay jagooyin awood fulineed lahaa xukuumadihii Mareykanka ee is xig xigay.

Hillary Clinton ayaa ka qalin jebisay 1969 jaamacada Wellesley, waxayna ka qaadatay shahaadada Culuunta siyaasada iyadoo darajo aad u sareysa kaga baxday, xafladii qalin jebinta jaamacada Hillary Clinton waxay jeedisay khudbad aad loola dhacay, waxay soo jiidatay asxaabteeda iyo macallimiinteedaba.

Isla markii ay qalin-jabisay, xilliga xagaaga ayaa shaqada ugu horeysa waxaa ay ka bilowday kadib markii ay u safartay Alaska ee ku taallo waqooyi galbeed ee Mareykanka ayaa waxay ka shaqeysay shaqooyinka ugu yaabka badan gabar hadda ka qalin jebisay jaamacad oo aheyd suxuun dhaqid jiko ay laheyd beerta “Mount Kainley National Park” oo aheyd meelaha ugu fiican ee loo dalxiis tago gobolkaasi, waxay kaloo ka shaqeysay shaqaale warshadeed oo soo saara isla markaasina gasacadeeya malayga Salamon-ka isla gobolkaasi.

Clinton ayaa ku sheegtay sidaasi buugeeda “Living History” oo ka sheekeynaya nolosheeda, waxay xiran jirtay kabo dhaadheer oo gaara ilaa jilbaha, gacmaha gloves ayey gashan jirtay, waxay ku shaqeyneysay taagni iyada oo nadiifineysa caloosha maleyga, kuna shaqeyneysay biyo iyo dhiig isku jira, waxay ku sheegtay waaya aragnimadaasi inkastoo aanan aheyn waxay soo baratay laakin waxay ka caawisay si weyn tababarka mowqifyada iyo xaaladaha adag ay kala kulantay Washington markii dambe.

Si kastaba ha ahaatee, waxay shaqadeeda ku weysay kadib markii kormeerayaasheeda ay u sheegtay in qaar ka mid ah kalluunkan u muuqdo mid aan fiicneyn oo nadiif aheyn.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4815 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: