Advertisements
Wararka

Ciidamada xoogga dalka oo la wareegay deegaanka Gendershe ee gobolka Sh/ Hoose…


Ciidamada xoogga dalka ayaa la wareegay deegaanka Gendershe ee dhaca dhulka xeebta ee isku xirta Muqdisho iyo magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay inay la wareegeen deegaanka Gendershe, isagoo xusay in iska hor imaadyo aan badneyn la kulmeen ciidamada, isla markaana ay cagta mariyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab sida uu yiri.

“Maalmahan howlgalka wuu socday, waxaa socda howl gal dhulka xeebaha looga sifeynayo nabad diidka, inta badan waa ka xoreynay, waxay ciidamada xoogga dalka la wareegeen Gendershe, Jilib Marka illaa Dhanaane”ayuu yiri Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka.

Waxaa uu sheegay in howl galadii ugu dambeeyay ee jidka xeebta ka dhacay ku dileen illaa 13 dagaalame oo ay ku jiraan Saraakiil sida uu yiri.

Ciidamada xoogga dalka oo maalmo ka hor ka baxay magaalada Muqdisho ayaa howlgalo ka bilaabay deegaanka Jaziira illaa Gendershe oo ah dhul xeebeed dheer oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Deegaanka Gendershe ayaa qiyaastii 45KM u jirta magaalada Muqdisho, dhanka wadada xeebta ah, waxay hoostagtaa magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, waa deegaan dhul xeebeed taariikh leh.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4997 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: