Advertisements
Wararka

Filmikii ugu horeeyey oo af carabi oo lagu soo bandhigi doono dalka Sacuudiga…


Dalka Sacuudiga ayaa maalinta khamiista laga bilaabi doonaa filimka Masriga ee “El Bedla” oo xiddig ka ah Tamer Hosni, wuxuuna noqonayaa filimkii ugu horeeyey oo carabi ah oo lagu soo bandhigo boqortooyada tan iyo markii la ogolaaday soo laabashada bandhigyada aflaamta.

Wuxuuna bilaaban doonaa bisha September 20da, waxaana lagu dhiggi doonaa hool shaneemooyinka lagu dhiggo oo ku yaalla Riyadh caasimada Sacuudiga .

Waxaa ku weheliya matalaada Amina Khalil, Majed Al Masri, Hassan Hosni iyo Dalal Abdel Aziz, iyo sidoo kale marti sharafeedyo sida Emmy Samir Ghanem, Xasan Al Raddad iyo Captain Ahmed Shubair.

Warbaahinta Masar ayaa soo warisay in filimka ‘El Bedla’ uu soo xareeyey dakhliga ugu badan xilligii Eid al-Adha.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4997 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: