Advertisements
Wararka

Magaalada Jiddah ayaa waxaa ku kulmay Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Eritrea…


Magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga waxaa markii ugu horreysay muddo toban sano ah ku kulmay madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti iyo Eritrea.

Ismaaciil Cumar Geelle iyo Esias Afwerki ayaa la filayay in ay heshiis nabadeed kala saxiixdaan balse ilaa haatan ma jiro wax heshiis ah oo ay kala sixiixdeen.

Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan bin Cabdalcasiis ayaa fidiyay gogosha ay ku wada hadleen labadaas mas’uul.

Saxan saxo nabadeed oo ka billaabatay heshiiskii taariikhiga ahaa ee ay kala sixiixdeen Itoobiya iyo Eritrea ayaa u muuqda in uu ku faafay geeska Afrika.

Sidii labadaas dal ay u soo afjareen colaaddii xadka Badhume ee labaatanka sano soo jiitantay, waxaa heshiis dhexmaray Soomaaliya iyo Eritrea.

Intaas ka dibna saddexda wasiir arrimo dibadeed ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa booqday Jabuuti si loo soo afjaro colaadda xadka ee Eritrea iyo Jabuuti.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4996 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: