Advertisements
Wararka

Shirka gaari waa laba, shirqoolkana waa mid…Qeybtii 2aad…


Shacabkeygow shan geesle xiddigtii shafka ugu tiilay, calankeena yaa meel ku sheega, shimee idinku dambeysay, aan idin sheego anigaa shalay raadiyey meel shishe anigoon gaarin, shalambood iyo Afgooye baan ka waayey wax shabaha shan geesle xidigtii calankeena, shaki baa i galay calan midaba kale leh baa magaalada meel walba ku sharaxan, dhul shisheeye inaan joogo ama sheydaamadii al-Shabaab inaan shab iri xeradooda baan mooday.

Shacabkeygow aan idin sharaxo, shidda iyo wal wal shuxuurta iyo dhididka, ilkaha i shanqaray, gowsaha i qamqamleeyey sidii Qur’aan qof akhrinaayo ama qandho heyso, Shabeelle webigii ku soo shabshableyso, shidada ha kaa yaraatee aan is iri.

Sheekaba sheekay keentaa waa sheekh Muuday oo shax keligii camirtay, shan ruux la moodo inuu la shaxtamaayo, shanqarta ka baxeysa qosolka iyo sheekada, kanaan degay , waa keligii…

Eng. Jiraabay

Advertisements
About Admin (4989 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: