Advertisements
Wararka

Mashruuc loogu qeybiyey baaskiilo caruur si joogto ah ugu dukada salaada fajirka Masaajida…


Si loo dhaqan geliyo dhaqanka jaceylka aadida masaajida ayaa dowlada hoose magaalada AGA Shahr oo ka tirsan walaayada Konya ee Turkiga ayaa bilowday barnaamij loogu qeybiyay baaskiilo caruur gaareysa 520 caruur, kuwaas oo salaada fajirka si xiriir oo joogto ah 40 maalmood ugu dukaday masaajida.

Qaybinta Baaskiilada ayaa timid kadib mashruuc ay bilowday magaalada AGA Shahr iyo iyadoo ay kaashaneyso Hay’adda iftaa-da magaalada, taasi oo halheys looga dhigay ” Caruurtooy soo aada salaada fajirka masaajida”, taasi oo loogu gol leeyahay wacyi gelinta caruurta ku xirnaanta masaajida iyo aqoonsiga ahmiyada salaada jamaacada, iyo ku beerida ruuxa midnimada iyo walaaltinimada qalbigooda.

Madaxa dowlada hoose ee magaaladaasi ayaa cadeeyey in ay qorsheynayaan si wadida mashruucan sanooyinka soo socda, wuxuu ku daray ” Mashruuca inkastoo dhaqaale badan ku baxo laakin waxaa ka weyn qiimaha uu xambaarsan yahay dhinaca kor u qaadida wacyiga caruurta, waxaan aqoonsannahay barbaarinta caruurta kuwaasi oo gacmahooda ku xaqiijin doona mustaqbalkooda, taasi ayaa muhim ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4989 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: