Advertisements
Wararka

Baarlamaanka Canada oo si aqlabiyad leh ugu codeeyey in xasuuq loo geystay dadka Rohingya…


Barlamaanka Canada ayaa waxay si aqlabiyad leh ugu codeeyeen in xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ay milatariga Myanmar u geysteen qowmiyada Muslimiinta ah ee Rohingya.

Golaha aqalka ayaa maalintii shalay waxay ayyideen warbixin ay horay u soo saareen hey’adaha u dooda xuquuqda aadanaha kuwaasi oo horay u sheegay in xadgudubyo ka dhan ah xuquuuqda aadanaha ay geysteen Milatariga Myanmar.

Waxaa ay sidoo kale dalbadeen in cunaqabateyn la saaro saraakiisha sare ee milatariga ee ku lug lahaa xasuuqa loo geystay qowmiyada Muslimiinta.

Dooda barlamaanka ayaa waxaa lagu dhawaaqay in waxa ka dhacay Myanmar ay tahay xasuuq, Hey,adaha xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeyay marar badan milatariga in ay geysteen dilal aan sharci aheyn,kufsi iyo guryo la gubay,intii uu socdaay howlgalkii dhiiga badan ku daatay oo milatariga ay geysteen bishii August ee sanadkii la soo dhaafay.

Arintaan ayaa waxay sababtay in kabadan 700,000 oo ruux in ay u barakacaan dalka Bangladesh oo ay hada ku nool yihiin xeryo qaxooti oo ku yaal.

Maxkamada danbiyada dagaalka Aduunka ee ICC ayaa sheegtay in ay baari doonto xadgudubka ay geysteen milatariga Myanmar,walow dowlada ay si adag uga soo horjeesatay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4996 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: