Advertisements
Wararka

Duqeyn dhinaca cirka oo lagu dilay 18 al-Shabaab ah oo ka dhacday duleedka Kismaayo…


Mareykanka ayaa sheegay in weerar duqeyn is difaacid ah uu ku qaaday dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab duleedka magaalada Kismaayo.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Janaay Cabdalla oo qiyaastii magaalada Kismaayo 50KM waqooyi Galbeed kaga beegan, waxaana lagu dilay 18 dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarka cirka ayaa ka dambeeyay markii weerar ay la kulmeen Ciidamo Mareykan ah iyo Ciidamada Danab ee ka tirsan Xoogga dalka.

Intii ay socotay iska hor imaadka ayaa la sheegay in ciidanka xoogga dalka ay dileen labo dagaalame.

Ciidamada Danab ee xoogga dalka iyo Ciidamo Mareykan ah, ayaa muddooyinkii u dambeeyay howlgalo ka fulinayay duleedyada magaalada Kismaayo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4997 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: