Advertisements
Wararka

Labo qarax oo is xig xigay oo gelinkii dambe maanta ka dhacay magaalada Mogadishu…


Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in qaraxyo is xig xigay uu gelinkii danbe ee maanta ka dhacay Magaalada.

Qaraxa koowaad oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho, ayaa lagu xiray gaari yar oo uu watay ruux la sheegay inuu kamidyahay qoyska Aqoonyahan Prof. Yaxye Sheekh Caamir.

Jugta qaraxa oo laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho, ayaa si gaar ah uga dhacay isgoska mashquulka badan ee Dabka, gaariga qarxay oo ahaa Land cruiser, ayaa ka yimid dhanka wadada ka timaada Bakaaraha.

Qofka gaariga watay oo dhaawac daran uu ka muuqdo, ayaa laga saaray gaariga, waxaana isku dayay iney dabka ka damiyaan gaariga Booyado, waloow aaney u suura galin oo uu gaariga bas beelay.

10 Daqiiqo kadib qarax kale oo xoogan ayaa ka dhacay dhabarka danbe ee Hoteelka Maka Al-Mukarama, faahfaahin badan lagama hayo qaraxa 2-aad, waloow wararka qaar ay sheegayaan in lagu weeraray xerta Macalin Nuur.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4996 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: