Advertisements
Wararka

Somalia oo la sheegay in ay buuxisay shuruudihii IMF ku xirtay si deymaha looga cafiyo…


Soomaaliya ayaa la sheegay iney buuxisay dhammaan 27-ki shuruudood oo uu Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka (IMF) uu ku xidhay iney buuxiso si deymaha lagu leeyahay looga cafiyo.

Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo BBC-da uga warramay kulamo ay maalmahan iyaga iyo IMF ku lahaayeen magaalada Nairobi, waxa uu sheegay in kulanka uu socday Toddoba maalmood.

Kulankana uu yahay mid seddexdi biloodba la qabto laguna qiimeeyo muddadaasi waxa u qabsoomay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

IMF-tu waxaa ay noo sheegtay ayuu yiri iney Soomaaliya wax badan u qabsoomeen beesha caalamkana ay aad u soo dhaweynayaan loona baahan yahay iney Soomaaliya geeddiga sii wado.

Lacagta cusub ee Soomaaliya goormaa la soo daabacayaa?
Sida aynu ogsoonnahay lacagtu waxay ka mid tahay astaanta dowladnimo ee lagu garto qaran kasta oo jira oo xor ah.

Dowladda Soomaaliyana waxay dadaal ugu jirtaa sidii dhawaan loo soo daabici lahaa lacagta cusub oo uu dalku yeelanayo, iyada oo ay horay wasaaradda Maaliyaddu u shaacisay lacagtu nooca ay noqoneyso.

Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle mar uu arrintan ka hadlayey ayaa wuxuu sheegay “iney IMF isku afgarteen isla-markaana ay isla-meel dhigeen sidi ay isaga kaashan lahaayeen balse loo baahan yahay lacagti lagu soo daabici lahaa lacagta cusub oo muddo 30 sano kaddib uu yeelanayo dalku.”

Daabacadda, maamulidda, meel geyenta, xafididda iyo marka ay xumaatana hagaajinteeda waxay u baahan tahay ayuu yiri lacag, lacagtaas oo aan beesha caalamka ka sugeyno. Daabacadda oo keli ah waxay u baahan tahay 41 milyan oo doolar.

Waxaanna rajeeyneynaa ayuu yiri “lacagtaasi iney Soomaaliya ka heli doonta beesha caalamka”.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4996 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: