Advertisements
Wararka

Laamaha ammaanka oo u soo qabtay labo nin qaraxyadii ka dhacay Mogadishu…


Laamaha ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay laba qof u qabteen qaraxyo laba ahaa oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Muqdisho Qaasim Axmed Rooble, ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay baaritaan ka wadaan Muqdisho, illaa haddana la qabtay laba qof oo la tuhmaayo.

Qaasim ayaa sheegay in hawlgalka uu sii soconaayo iyada oo Magaalada ay si joogto ah baaritaan uga wadaan Ciidamada dowladda ayaa waxaa dhacaya qaraxyada iyo dilalka khaarijinta ah.

Qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho, ayaa waxaa ku dhintay hal ruux oo lagu magacaabi jiray Cumar Sheekh Caamir.

Maalmahan dambe dhacdooyin kala duwan oo amniga lidi ku ah ayaa ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4989 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: