Advertisements
Wararka

M/weynaha Maamulka Hirshabeelle oo xilka ka qaaday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan…


Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa xilkii uu ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow), isagoo u magacaabay Gudoomiye cusub.

Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa loo magacaabay in uu noqdo Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed),kaas oo bedelaya guddoomiyihii xilka qaadista lagu sameeyay ee Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow).

Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow) ayaa waxa uu xilka Gobolka Hiiraan haayay muddo Shan bilood ah.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa uu Gobolka Hiiraan muddo sanad gudahood u magacaabay saddex Guddoomiye, kuwaasi oo xilka qaadis lagu sameeyay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4997 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: