Advertisements
Wararka

M/weyne Xaaf oo ku gacan seyray martiqaadkii M/weynaha u fidiyey maamulka Galmudug…


Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hor yimid baaqii madaxweyne Farmaajo ee ahaa in shir deg deg ah isugu yimadaan madaxda dowlad gobolleedka Galmudug.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda Galmudug in ay ka soo qeybgalaan shir ka dhacaya madaxtooyada Soomaaliya oo la doonayo in lagu xaliyo khilaafka dhaxdooda ah.

War ka soo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay in aanay jirin Madax Galmudug oo is khilaafsan, wixii ka dambeeyay 18-kii bishan September, isla markaana mushkiladaha ka jiray Galmudug ee siyaasadeed iyo amni ay ahaayee kuwo la abuuray oo laga soo maleegay Madaxtooyada Soomaaliya.

Wuxuu intaa ku daray in iyada oo la ixtiraamayo go’aankii shirka Kismaayo ee dowlad gobolleedyada xiligan suurtagal aheyn in ay shir u tagaan madaxtooyada Soomaaliya.

Waa baaqii labaad ee madaxweynaha Soomaaliya oo lagu gacanseyro isaga oo horey ugu guuldareystay in uu shir isugu keeno madaxda dowlad gobolleedyada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4997 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: