Advertisements
Wararka

Maxkamada Masar oo diiday racfaan loo gudbiyey oo la xiriira eedo musuq maasuq…


Maxkamada sare ee Masar ayaa diiday racfaan loo gudbiyay oo la xiriira eedo musuq maasuq ee lagu eedeyay madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubarak iyo labadiisa wiil intii uu hayay mudadii 30 ka sano aheyd.

Racfaankan oo ay gudbiyeen qareeno matalayay Xusni Mubarak ayaa waxaa daaqada ka tuuray garsoorka Maxkamada.

Mubarak oo 90 jir ah iyo wiilashiisa oo kala ah Calaa iyo Jamal ayaa saddex sano oo xabsi ah lagu xukumay sanadii 2014-tii waxaana lagu eedeyay in dhaqaalaha madaxtooyada ay musuq maasuqeen.

Hantida qaranka Masar ayaa lagu sheegay in ay u adeegsadeen maal galinta degaano iyo dhul gaar loo leeyahay si ay uga faa’idaan.

Labadan wiil ee Mubarak ayaa la sii daayay bartamahii 2015-ka halka madaxweynihii hore Mr Xusni Mubarak isna sanadkii la soo dhaafay ay Masar iska fasaxday.

Balse labadan wiil ayaa hada xiran waxaana ay wajahayaan eedaha musuq maasuq ee loo heesto.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4997 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: