Advertisements
Wararka

Guddiyadii golaha aqalka sare oo xogihii ay soo ururiyeen u gudbiyey Guddoonka golaha…


Guddiyadii golaha Aqalka sare ka socday oo loo kala diray magaalooyinka Baydhabo, garoowe, Kismaayo iyo Dhuusa-mareeb ayaa xogihii ay soo ururiyeen u gudbiyey Guddoonka Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xubnihii Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee tagay Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shalay wareejiyay xogtii ay soo uruuriyeen,waxayna maanta Guddoonka Aqalka sare xogtii kala wareegeen Xubnihii Golaha aqalka sare ee loo diray Galmudug.

Senator, Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo warbixnta ka hadlayay ayaa sheegay in ay guddi ahaan ay soo qabteen howshii Aqalka Sare ay uga direen Galmudug.

Maalmahii la soo dhaafay waxaa Dowlad Goboleedyada Puntland ,Galmudug ,Koonfur Galbeed,iyo Jubbaland ku sugnaa xubno ka socday Golaha Aqalka sare BFS,kuwaasi oo u baxay si ay usoo uruuriyan xog dhammeystiran oo la xiriirta khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada iyo sida xalka uu noqon karo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4989 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: