Advertisements
Wararka

Haweeney labaad oo eedeymo galmo la xiriira u soo jeedisay Brett Kavanaugh…


Waxaa soo baxday haweenay labaad oo eedaymo tacaddiyo galmo la xiriira u soo jeedisay Brett Kavanaugh oo madaxweyne Donald Trump uu u magacaabay maxkamadda ugu sarraysa dalka Maraykanka.

Deborah Ramirez oo xaakimkan magacaaban ay isku fasal ahaayeen markii ay dhiganayeen jaamacadda Yale ayaa eedaynta ay soo jeedisay ku faahfaahisay jariidadda New Yorker.

Kavanaugh ayay ku eedaysay in uu xubinta tarankiisa taabsiiyay wajigana kaga xoqay iyaga oo ka wada qayb galay xalfad lagu qabtay qol ay ardaydu daganaayeen, arrintaasina ay dhacday iyadoo uusan wax ogolaansho ah ka helin.

Xaakimkan ayaa diiday eedaymahaas, wuxuuna ku tilmaamay isku day sumcaddiisa lagu dilayo.

Christine.jpg

Barafasoor Christine Blasey Ford ayaa toddobaadkii hore sheegtay in Kavanaugh uu tacaddi galmo u gaystay 1982, waxayna ogolaatay in ay hor tagto guddiga caddaaladda ee aqalka Senate Maraykanka si ay uga horcaddayso eedaymaha ay soo jeedisay.

Dianne Feinstein oo xisbiga Dimoqraadiga ka tirsan guddigaasna xubin ka ah ayaa ku baaqday “in si degdeg ah dib loogu dhigo tallaabo kaste oo horay loogu sii qaadayo” magacaabidda Kavanaugh, waraaq ay arrintaas uga hadlayso ayayna u dirtay gudoomiyaha guddiga oo xisbiga Jamhuuriga ka tirsan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4989 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: