Advertisements
Wararka

Dowlada Talyaaniga oo meel marisey sharci sahlaya in la tarxiilo dadka soo galootiga ah…


Dowladda Talyaaniga ayaa meelmarisay sharci sahlaya in la tarxiilo dadka soo galootiga ah iyo in dhalashada Talyaaniga lagala laaban karo.

Dadka soo galootiga ah ayaa dalka laga eryi karaa haddii lagu helo dambiyada halista ah sida kufsiga iyo tacaddiyo kale.

Arrintaas ayaa markii hore suurta gali kartay oo keli ah haddii la maro nidaam dheer oo racfaanno badan laga qaadan karo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Matteo Salvini ayaa arrintan ku tilmaamay “tallaabo horay loo qaaday, si Talyaaniga looga dhigo goob ka ammaansan sida uu hadda yahay”. Si uu sharcigani u dhaqan galo wuxuu u baahan yahay taageerada xildhibaannada.

Sharcigan cusub ayaa dhigaya in dadka magan galyo doonka ah aan codsiyo laga aqbali doonin haddii lagu eedeeyo in ay daroogo ku lug leeyihiin, sida uu sheegay Salvini.

Mas’uulkan ayaa dadka dhexdooda caan ka noqday tan iyo markii ay dowladdiisu billowday howlgallada ka dhanka ah dadka soo galootiga ah, xukuumadda hadda talada Talyaaniga haysana waxay ka kooban tahay xisbiga League ee siyaasaddiisu garabka midig tahay iyo xisbiga Five Star Movement oo awoodda qabsaday bishii Juunyo.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay inta badan is qabtaan dadka maraakiibta adeegsada ee muhaajiriinta badbaadiya, bishii horana waxay si cad uga soo horjeedsatay in markab laga soo dajiyo 150 muhaajiriin ah oo jasiiradda Sicily ku soo xirtay.

Salvini waxaa ku socda baaritaan ku saabsan doorkii uu ku lahaa murankaas.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4996 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: