Advertisements
Wararka

Khad train oo isku xirayo magaalooyinka Makkah, Madiinah iyo Jeddah oo la furi doono…


Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdul Aziz ayaa furi doona khadka train-ka “Al-Haramain Expressway” oo isku xiraya Makka, Madiina, Jeddah iyo magaalada Boqor Cabdallah ee dhaqaalaha.

Mashruucaan oo bilaabidiisa daahday ayaa daboolaya masaafada 450 kiiloomitir, waxaa dib loo dhigay lix sano waqtigii la qorsheeyey inuu bilowdo.

Shaqada Mashruucan ayaa qaadatay dhowr sanadood asaga oo ku baxday lacag aad u badan, waxaana ka shaqeeyey shirkado laga leeyahay Sacuudiga, shiinaha iyo Spain.

Safarada shaqo ee Tareenka ayaa la filayaa inay bilowdaan todobaadka koowaad ee bisha October. Xawaaraha tareenka cusub ayaa jaraya 300 kiiloomitir saacaddii. Qiimaha tigidhku wuxuu u dhexeeyaa 20 illaa 250 Riyaalka Sucuudiga.

Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa sheegay shaqaalaha ka shaqeeya howlaha tareenka in ay gaarayaan 3000 shaqaale, 70% oo shaqaalaha ka mid ah waa muwaadiniin Sucuudi ah.

Safarka inta u dhaxeysa Mecca iyo Jeddah ayaa qaadan doono 21 daqiiqo, halka safarka inta u dhaxeysa Makkah iyo Madinah wax ka yar labo saac iyo bar qaadan doona.

Mashruucan waxaa la filayaa in uu u adeego 60 milyan oo rakaab ah sanadkiiba marka jadwalka la dhammeeyo rubaca koowaad ee 2019.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4996 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: