Advertisements
Wararka

R/wasaaraha New Zealand oo gabadheeda yar ku wehelisa shirka golaha guud ee QM…


Jacinda Ardran, Ra’isul wasaaraha New Zealand, ayaa ka qaybgashay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay iyada oo gabadheeda yar la socoto waqtigii ay jeedineysay khudbadeedii ugu horeysay tan iyo markii ay qabatay xilka Ra’isul wasaaraha.

Ka dib markii ay hadalkeeda u jeedisay Golaha Guud, waxay bilawday inay gabadheeda xambaarto.

Jakinda ninkeeda.jpg

Lamaanaheeda Clark Gayford, oo mas’uul ka ah daryeelka cunuga yar, ayaa gabadha hayay inta Ra’isul wasaaraha khudbada ka hor jeedineysay hogaamiyayaasha caalamka hortooda.

Ardran waa hogaamiyihii labaad ee la doorto oo dhasha xilliga xafiiska.

Jacinda Ardran ayaa iyadoo Ra’isul wasaare ah hadalkii ugu horeeyey oo rasmi ah ka jeedisay shirkii Nelson Mandela ee nabada halkaasi oo ka muujisay saameynta xooga leh ee uu uga tagey hogaamiyihii Koonfur Afrika dalkeeda.

Hooyadan waxay ku tiirsan tahay naas-nuujinta si ay u quudiso “gabadha koowaad ee New Zealand”, taasi oo ku xambaartay in ay gabadheeda horey u sii wadato socdalkeeda qaadanaya lixda cisho.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4996 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: