Advertisements
Wararka

Howlgal qorsheysan oo ciidamada Koonfur Galbeed ay ku dileen horjooge Shabaab ah…


Howlgal qorsheysan oo Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ay ka fuliyeen Gobolka Baay ayaa waxay ku dileen horjooge Ururka Al Shabaab ka tirsanaa.

Howlgalkan oo ka dhacay Deegaanka Barariye oo qiyaastii 30km dhinaca koonfureed kaga beegan Degmada Buurhakaba ayaa waxaa lagu dilay horjoogahan oo magaciisa lagu sheegay Abuu Qudaama.

Abuu Qudaama ayaa ahaa madaxii maaliyadda ee Ururka Al Shabaab ugu magacawnaa deegaanada hoostagga Degmada Buurhakaba, isagoona hormuud u ahaa zakaawaadka joogtada ahi ee dadka rayidku ka qaadaan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ay Talaadadii ninkaasi ku weerareen hoygii uu ka deganaa Barariye, xilli aanay wax ilaalo ahi la joogin.

Ciidamada oo toogasho ninkaasi ku dilay ayaa horey uga soo qaatay qori AK47 iyo bastoolad, iyadoona ay dib ugu laabteen halkii ay ka ruqaansadeen oo ah Buurhakaba.

Saraakiisha Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa kuu sheegaya in dadka deegaanka ay marwalba ka caban jireen ninkaasi, isla-markaana ay u adkeysan kari waayeen boobka uu ku hayo bulshada, taasina ay keentay tallaabada ay iminka ku qaarajiyeen.

Dhanka kale Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) ayaa bogaadiyay howlgalka qorsheysan ee ay ciidamadu ku dileen Sarkaalka dhanka dhaqaalaha Shabaabka u qaabilsanaa.

Wasiirka ayaa tilmaamay howlgalka Sarkaalkaasi lagu dilay in uu qayb ka yahay howlgalada qorsheysan ee ay Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ku beegsanayaan Madaxda Ururka Al Shabaab.

Wasiirka ayaa soo hadalqaaday in billihii ugu dambeeyay howlgalo noocaani oo kale ah oo ka kala dhacay Ufurow, Diinsoor iyo Waajid in lagu bartilmaameydsaday horjoogayaal Ururka Al Shabaab ka tirsanaa.

Wasiir Xasan Eelaay ayaa markale ciidamada u jeediyay baaqiisa ahaa inay dardargeliyaan howlgalada ay ku qaarajinayaan Saraakiisha sar sare ee Ururka Al Shabaab.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4996 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: