Advertisements
Wararka

Kante: Waa xiddig Muslim ah oo aan isla weyni laheyn, xishood badan, af gaaban…


“Wuu gaaban yahay, dabeecad fiican yahay, wuxuu awooday inuu joojiyo Lionel Messi” waa hees ay alifeen kuna luqeeyaan ciyaartoyda xulka Fransiiska ee ku guuleystay mondiaalkii Ruushka, waxay aheyd dhiiragelin loo sameeyey N’Golo Kante askarigaasi daacada ah oo ka qeyb galay guusha Fransiiska ee koobka dahabiga.

Xirfadiisa kubbada cagta wuxuu ka bilaabay koox faransiis ah oo la yiraahdo Boulogne oo ka tirsaneyd ligue 2aad sanadkii 2012, kadibna wuxuu u wareegay kooxda Caen sanadkii 2013 oo ka tirsan ligue 1 ee Fransiiska.

Laacibkan xishoodka badan isla markaasina ah qof mutuwaadac ah ayuu u wareegay kooxda leicester 2015 oo ka tirsan Premier League, wuxuu kooxda la sameeyey taariikh sanadkii xigay, iyaga oo ku guuleystay markii ugu horeysay taariikhda koobka Premier League.

Kante kuma daahin kooxda “dawacada” waxaa markiiba daftay kooxda Chelsea xilli ciyaareedkii 2017, asaga oo kula guuleystay “Blues” koobkii Premier League, wuxuu sidoo kale qaatay abaalmarinta laacibkii ugu wanaagsanaa Premier League, wuxuu noqonayaa laacibki labaad oo horyaalka Premier League labo kooxood oo kala gedisan kula guuleystay koobka labo sano oo isku xigta.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4989 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: