Advertisements
Wararka

Kulankii Baarlamaanka Federaalka ee maanta oo u baaqday kooram la’aan…


Kulan lagu waday in ay maanta yeeshaan Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa u baaqday kooram la’aan.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa xalay lagu wargeliyay inuu jiro kulanka baarlamaanka maanta oo Arbaco ah, islamarkaana ajandaha kulankana uu yahay sii wadista ka doodista xeer hoosaadka baarlamaanka.

Lama oga sababta ay xildhibaano ku filan inuu buuxsamo kooramka u soo xaadiri waayeen hase yeeshee waxaa hore u dhacday in sidan oo kale uu u baaqdo kulamada xildhibaanada baarlamaanka golaha shacabka.

Xildhibaano badan oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa ka mid noqday golaha wasiirada xukuumada waxayna taasi habacsanaan ku keeni kartaa kulamada baarlamaanka sida ay qabaan qaar ka mid ah dadka falanqeeya siyaasada dalka Soomaaliya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4996 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: