Advertisements
Wararka

Madaxtooyada Puntland oo raalli gelin ka bixisay hadal ka dhan ahaa dadka ka soo jeeda…


War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa raalli gelin looga bixiyay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, kaasoo ka dhan ah dadka ka soo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool.

Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa si gaar ah waxaa raalli gelinta loogu diray Maamulka iyo Shacabka Koonfur Galbeed hadalkii Madaxweyne Gaas ee ku jiray khudbad uu uga hadlayay Al-Shabaab.

C/weli Gaas oo maalmo ka hor ka hadlayay magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa yiri “Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba, oo kaba dacas ah qaba inuu inta idiin yimaado nagu xukumo dalkayagii, suurtagal ma ahan, caqlina ma ahan, lamana yeeli karo.”

Hadalka ka soo yeeray Madaxweyne Gaas ayaa si aad ah u qabsaday baraha bulshada, waxaana ka dhashay falcelin aad u xooggan oo dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed si aad ah uga xumaadeen, kuna eedeeyeen Gaas inuu u gafay qowmiyad dhan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4996 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: