Advertisements
Wararka

Bangiga adduunka oo ogolaaday lacag amaah ah oo uu siiyo dowlada Somalia…


Bangiga aduunka ayaa oggolaaday in lacag gaareysa $80 milyan oo dollar lagu taageero dowlada Soomaaliya, si ay ugu maalgeliso dib u habeynta dhinaca maaliyada, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay muddo soddon sano ah ee uu bangiga adduunka lacag siiyo dalka Soomaaliya.

Bangiga adduunka oo xaruntiisu ku taal magaalada Washington ayaa joojiyay lacagihii uu siin jirey dalka Soomaaliya, kadib markii uu dagaal sokeeye ka qarxay sanadkii 1991kii,

Hase yeeshee Bangiga adduunka ayaa soo celiyay xiriirka uu lahaa dowlada federalka Soomaliya sanadkii 2013kii.

Lacagtan oo ah lacag amaah ah ayaa bangigu sheegay in uu la shaqeyn doono dowlada xarunteedu tahay Muqdisho si loo horumariyo arrimaha waxbarashada,daryeelka caafimaadka,biyaha nadiifka ah,korontada iyo maalgelin la siiyo shacabka Soomaaliyeed.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4989 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: