Advertisements
Wararka

Qeybo ka mid ah jidadka ugu muhimsan magaalada Mogadishu oo saaka xiran…


Dadka reer Muqdisho ayaa saakay ku soo toosay iyadoo ay gabi ahaanba xiran yihiin qeybo ka mid ah jidadka ugu muhiimsan isku socodka dadweynaha ee magaalada Muqdisho.

Isgoyska Banaadir, Zoobe, Taleex, KM4, Shaqaalaha iyo kuwa kale ayaa xiran, ciidamada dowladda ayaana ku sugan, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Lama ogol in ay isticmaalaan jidadka gaadidka rayid, hasse ahaatee kaliya waxaa ogol yahay in ay isticmaalaan gaadiidka ay wataan ciidamada qalabka sida.

Lama oga sababta loo xiray jidadka magaalada Muqdisho oo ah kuwo ugu muhiimsan marka la eego isku socodka dadweynaha iyo gadiidka.

Xirnaashihaha jidadka ayaa xayiraad muuqata ku keentay dad badan saakay doonayay in ay tagaan goobahooda shaqo, kuwaa oo qaarkood la arkayo iyaga oo lugeynaya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4996 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: