Advertisements
Wararka

Shiinaha oo diiday eeda Trump oo ahayd in ay faragelin ku sameynayaan doorashada…


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku eedeyay dowlada Shiinaha in ay isku dayeyso fara galin ay ku sameyso doorashada aqalka Congresska Mareykanka oo dhaceysa 6 bisha November.

Trump ayaa sheegay in Shiinaha uusan dooneyn guulo uu gaaro xisbiga Jamhuuriga ee uu hogaamiyo sababo la xiriira shaqada adag uu ka qabtay siyaasada Mareykanka iyo ganacsiga dibada.

Isaga oo ka hadlay kulanka golaha amaanka qaramada midoobay oo ka socda magaalada Newyork ayaa waxaa uu sheegay in Shiinaha isku dayayo ficilo ka dhan ah maamulka Trump.

Madaxweynaha mareykanka ma uusan soo bandhigin cadeymo muujinaya eeda uu u soo jeediyay Shiinaha xilli uu shir gudoominayay kulankii maanta.

Dhanka kale xukuumada Shiinaha ayaa beenisay eeda loo jeediyay waxaana ay sheegtay in aysan dooneyn in ay ku lug lahaato ama fara galin ay ku sameyso siyaasada dalalka dibeda sida uu sheegay wasiirka arimaha dibeda Wang Yi.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4997 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: