Advertisements
Wararka

Dr. Ford iyo Kavanaugh oo ka hor marqaati furay guddi hoosaadka cadaalada Senate-ka…


Guddi Hoosaadka Caddaaladda ee Aqalka Senateka ee Congresska Maraykanka ayaa shalay dhageystay dacwad la xiriirta fara xumeyn la sheegay in garsoore lagu magacaabo Brett Kavanaugh uu u geystay Dr.Christine Blasey Ford oo prof. ka ah jaamacad ku taalla gobolka California, eed la xiriirta inuu fara xumeeyey xiligii ay dugsiga sare wada dhiganayeen.

Dr. Ford ayaa halkaasi ku marqaati furtay in uu Kavanaugh ahaa qofkii isku dayey inuu kufsado 100%, iyadoo ka muuqato murugo badan mararka qaarna ay ilmeyneysay.

Kavanaugh1

Dhinaca kale waxaa hoolka soo galay dhageysiga Dr. Ford kadib Judge Kavanaugh asaga oo aad u xanaaqsan, wuxuuna ka hadlay inuusan geysan wax fara xumeyn dumar abidkiisa, wuxuu sheegay in la burburiyey sharaftiisa tan qoyskiisa, wuxuu sheegay in Dimoqraadiyiinta markay meel wax ka helaan ka waayeen dhegeysiga la igu soo magacaabi lahaa ayaa la ii soo abaabulay shirqoolkan.

Isku soo wada duub arrinta waxay dabada la gashay siyaasad labada xisbi isku heystaan, waxaana halkaasi hadalo kulkulul isku dhaafsaday Guddiga Senate-ka ee labada xisbi.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4989 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: