Advertisements
Wararka

NISA oo sheegtay in howlgal qorsheysan lagu soo qabtay khabiir dhanka qaraxyada…


Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howl gal qorsheysan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa ay ku soo qabteen xubin ka tirsan Al-Shabaab.

Sida lagu baahiyay barta Twitter-ka ee NISA waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu soo qabtay khabiir dhanka Qaraxyada ah oo Al-Shabaab ka tirsan.

Howlgalka ayaa la sheegay inuu si taxadar leh loo sii qorsheeyay, isla markaana uu qaatay muddo saacado ah, habeenimadii 27 September.

Hay’adda NISA ayaa howlgalada gaarka ee qarsoodiga ah waxay muddooyinkii u dambeeyay ku shaacinaysay barta Twitter-ka, iyadoo aan faah faahin kale oo dheeraad ah laga bixin.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4996 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: