Advertisements
Wararka

Xildhibaanada labada aqal ee Canada oo kala laabtay muwaadinimo sharafeed Aung San..


Xildhibaannada labada aqal ee dalka Canada ayaa isku raacay in ay muwaadinimo sharafeedka kala laabtaan hoggaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi.

Meelmarinta Mowshinkan ayaa jawaab u ahaa sidii ay ugu guul darraysatay joojinta dhibaatadii loo gaystay Muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalkeeda.

Suu Kyi ayaa ku guulaysatay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize 1991-dii iyadoo ku mutaysatay dadaalkii ay ku bixisay in ay dimuqraadiyad ka dhaliso dalka Myanmar oo sidoo kale loo yaqaanno Burma – kaas oo markaas milatari xukumay.

Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay bishii hore ayay ku sheegtay in ay waajib tahay in baaritaan lagu sameeyo hoggaamiyeyaasha milatariga dalka Myanmar iyadoo la eegayo xasuuq ay u gaysteen Rohingyas.

Ugu yaraan 700,000 oo ruux oo Rohingya ah ayaa rabshadaha isaga firxaday 12 bilood ee la soo dhaafay.

Sannadkii 2007 ayay Canada jinsiyad maamuuseed siisay Suu Kyi, waxayna ka mid tahay lix ruux oo arrintaas lagu maamuusay.

Baarlamaanka labada aqal ayaa meel mariyay qaraarka jinsiyad maamuuseedka dalkaas lagu bixiyo. Masuul Canada u dhashayna wuxuu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ay qasab tahay in dariiqaas oo kale loogala noqdo qofkii loo arko in uusan u qalmin.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4997 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: